1074 Views

Madaxweyne Farmaajo oo lagu casuumay Shir ka dhacaya Ruushka

Madaxweyne Farmaajo oo lagu casuumay Shir ka dhacaya Ruushka
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | October-17–2019 —Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa la filayaa in todobaadka soo socda ay u ambabaxaan dalka Ruushka.

Madaxweyne Farmaajo ayaa kamid ah hoggaamiyeyaal Afrikan ah oo lagu casuumay Shirweyne ka furmi doona magaallaada loo dalxiis tago ee Sochi ee dhulka Fog ee Raashiya.

Hoggaamiyeyaasha shirkaasi tegaya ayaa waxaa kamid ah Madaxweynayaasha,Jabuuti,Kenya, Masar iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya,waxaana qabana qaabiyeyaasha shirka ay sheegeen in uu socon doono mudo laba Cisho ah.

Shirkan  oo u dhaxeeya qaar kamid ah hoggaamiyeyaasha dalalka Afrika iyo ruushka ayaa waxaa 23-ka Bishaan Octoober siwadajir ah u guddoomin doona Madaxweynaha Raashiya Vladimir Putin  iyo dhigiisa Masar Cabdul Fataax Al-Siisi,waxaana shirkaan diirada lagu saarayaa sidii Dowladda Ruushka ay xiriir ula yeelan laheyd wadamada Afrika, iyada oo dalalka waaweyn ay loolan adag ugu jiraan kasbashada dalalka afrika.

Madaxweyne Farmaajo ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Raashiya,waxaa uu sidoo kale kulamo duceedyo la yeelan doonaa qaar kamid ah hoggaamiyeyaasha Afrikanka ah ee kasoo qeyb-galaya Shirka ka furmaya magaallaada loo dalxiis tago ee Sochi ee dhulka Fog ee Raashiya.

 

Si kastaba safarka la filayo in dhawan uu Madaxweyne Farmaajo ku tago dalka ruushka ayaa waxaa uu noqon doonaa safarkii ugu dheeraa ee uu ku tago mid kamid ah dalalka ugu baaxada weyn qaarada Yurub.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

___________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment