684 Views

Dowlad Goboleedka Puntland oo soo dhaweynaysaa heshiishka ay wada gareen Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Murashaxiinta

Dowlad Goboleedka Puntland oo  soo dhaweynaysaa heshiishka ay wada gareen Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Murashaxiinta
____________________________________________________________________________

..

 

February  26, /2/ 2021

 

Dowlad Goboleedka Puntland ayaa soo dhaweynaysaa heshiishka ay wada gareen Dowladda Soomaaliya iyo Midowga Murashaxiinta, kaasi oo xalay lagu saxiixay magaalada Muqdisho.

War qoraal ah oo ka soo baxay Madaxtooyadda Puntland ayaa waxaa lagu soo dhaweeyay in Dowladda Soomaaliya ay garawsatay masuuliyadda wixii ka dhacay Mogadishu, 19kii Feb, ayna ogolaatay in baaritaan madax banaan lagu sameeyo.

“Dowladda Puntland waxay ka rajaynaysaa Dowladda Federaalka ah dhameystirka wax ka qabashada caqabadaha kale ee ku xeeran qabashada shir wadatashi ah oo loo dhan yahay oo lagu dhameystirayo arrimaha muranku ka jiray, si ay u abuuranto jawi qabsoomidda doorasho ku dhacda si nabad ah, wadar ogol ah, waafaqsanna heshiiskii 17 September, habraacyadii lagu heshiiyey iyo Dastuurka ku meel gaar ka ah” ayaa lagu yiri qoraalka.

Puntland ayaa kamid ah maamulada uusan xiriirka wanaagsan kala dhaxeyn dowladda federaalka, iyadoo qaadacday shir uu dhowaan ay ku dhawaaqday madaxweyne Farmaajo kaasi oo ka dhacayay Muqdisho.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post