657 Views

Wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga “Waa Muhiim in laga wada qaybgalo xal ka gaarista muranka doorashooyinka, dhammaan Saamileyda Siyaasadda waa in laga fogaadaa isku dhac

Wasaaradda arrimaha dibadda  Turkiga  “Waa Muhiim in laga wada qaybgalo xal ka gaarista muranka doorashooyinka, dhammaan Saamileyda Siyaasadda waa in laga fogaadaa isku dhac
____________________________________________________________________________

February 22, 2021

 Warsaxaafadeed kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa waxaa looga hadlay xaaladda dalka & doorashooyinka 2021.

Ugu horreyn Turkiga ayaa shaaca ka qaaday inuu aad uga walaacsan yahay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo muranka ka taagan hannaanka doorashada dalka.

Bayaanka kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda ee Turkiga ayaa loogu baaqay inay si wadajir ah xal uga gaaraan is mari-waaga doorashada & heshiiskii 17-kii September.

“Waa Muhiim in laga wada qaybgalo xal ka gaarista muranka salka ku haya doorashooyinka, dhammaan Saamileyda Siyaasadda waa in laga fogaadaa rabsho, isla markaana waa in wadajir xal looga gaarayaa heshiiska dhacay 17-ka September 2020,” ayaa lagu yiri warka qoraalka ah ee kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga.

https://assets.bilsyndication.com/ads/responsive/m3.html Warsaxaafadeedka ayaa intaasi kusii daraya “Waxa aan rumeysan nahay in walaalaheen & saaxiida Soomaaliya ay leeyihiin Rabitaan & bisayl siyaasadeed oo ay ugu go’aan gaari karaan Mustaqbalkooda,”.

Soomaaliya ayaa wajaheysa xaalad adag oo ka dhalatay is qab-qabsiga doorashada, kadib markii ay todobaadkan rabashado xoogan ay ka dhaceen magaalada Muqisho.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post