567 Views

Wasiirka arrimaha dibadda Ruushka iyo iyo dhiggiisa Ukraine, Dmytro Kuleba oo ku kulmi doona dalka Turkiga

Wasiirka arrimaha dibadda  Ruushka iyo iyo dhiggiisa Ukraine, Dmytro Kuleba oo  ku kulmi doona dalka Turkiga
____________________________________________________________________________

Arbaco: March 9, 2022

Sida ay xaqiijisay wasaaradda arrimaha dibadda ee Ruushka,Wasiirka arrimaha dibadda ee Ruushka Sergei Lavrov iyo dhiggiisa Ukraine, Dmytro Kuleba, ayaa ku kulmi doona dalka Turkiga.

kulankan ayaa ah kii ugu horeeyay ee labadooda dhexmara tan iyo markii uu bilowday duulaanka Ruushka ee Ukraine 24-kii Febraayo.

Kulanka ayaa waxaa soo jeediyay wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Mevlut Cavusoglu, wuxuuna sidookale kutaliyay in loo qabto qaab saddex geesood ah, isaga, Kuleba iyo Lavrov.

Shirka ayaa la sheegay in uu dhici doono 10-ka bisha March, halka madasha dublamaasiyaddana loo qorsheeyay 11-ka March.

Wadahadallada nabadeed ee horay u dhexmaray Ruushka iyo Ukraine ayaa ilaa la sheegay inay aad u adkayeen waxayna kusoo dhamaadheen is afgarad la’aan iyo in aan laga gaarin heshiis la taaban karo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post