867 Views

Maraykanka oo Kenya ku cadaadinaya in ay fuliyaan duqeymo ka dhan ah Al-Shabaab!

Maraykanka oo Kenya ku cadaadinaya in ay fuliyaan duqeymo ka dhan ah Al-Shabaab!
____________________________________________________________________________



Mogadisho | QOL |  September 16 2020
—Taliska Milatariga Mareykanka ee Afrika ayaa culeys saaraya Kenya si ay u fuliyaan duqeymo hubeysan oo ay fuliyaan diyaaradaha aan duuliyaha laheyn ee lala beegsado dagaalyahannada Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida ee ku sugan qeybo ka mid ah bariga Kenya.

Saraakiisha AFRICOM ayaa sheegay in hadii aan laga hortagin dagaalyahana Al Shabaab ee ku sugan Bariga Kenya ay ku sii fidikaraan gudaha wadanka sitaas looga jawaabana ay muhiimtahay in ciidanka Kenya ay fuliyaan duqaymo ka dhan ah Al Shabaab.

Col. Christopher P. Karns, oo ah afhayeenka guud ee taliska Maraykanka, ayaa sheegay in ay garwaaqsan yihiin baahida loo qabo in cadaadis caalami ah oo joogto ah la saaro Al-Shabaab iyo in lala socdo dhaq-dhaqaaqooda, joogitaankooda, iyo in si firfircoon loola dagaallamo si looga hortago faafitaankooda.

Saraakiil Maraykan ah ayaa sheegay in Dowladda Kenya ay ogolaatay in duqeymaha laga fulin karo aagaga u dhexeeya Garissa iyo Lamu, oo isku xira saldhiga ciidamada cirka ee Manda Bay iyo gobolka xadka la leh Soomaaliya.

Bishii February ee sanadkan, madaxweyne Uhurru Kenyatta booqasho uu ku tagay aqalka cad, wuxuu ka codsaday Madaxweyne Trump in laga caawiyo la dagaallanka argagixisada, oo ay ka mid tahay taageero xagga cirka ah.

Safaaradda Kenya ee Washington si dhakhso ah ugama aysan jawaabin codsiga Uhuro.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post