1104 Views

Dad lagu la’aa daadadka Magaalada Khardho oo la helay

Dad lagu la’aa daadadka Magaalada Khardho oo la helay
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | April 28- 2020–In ka badan 10 Ruux ayaa lagu la’aa daadadka ka dhashay roob ka da’ay habeen ka hor Magaalada Khardho ee Xarunta Gobolka Karkaar,waxaana wararka la helayo ay sheegayaan in dadkaasi la helay.

 

Qaar kamid ah dadkii u gurmad ahaana u tegay Magaalada Khardho ayaa waxaa ay sheegeen in Nolol lagu helay in ka badan 10 Ruux oo isugu jira Carruur iyo dad waaweyn oo ku maqnaa fatahaada ka dhashay Roobkii da’ay Magaalada Khardho.

 

 

 

Dadka la helay ayaa Roobka uu ku go’doomiyey Xaafadaha qaar,hayeeshee eheladooda ay la xiriireen mas’uuliyiinta gurmadka iyo dadaal farabadan oo la sameeyey kadib ay suurto gashay in nolol dadkaasi lagu soo helo.

 

Inta la xaqiijiyey daadadkii habeen hore ku rogmaday Xaafadaha Magaalada Khardho ayaa waxaa ku geeriyooday 6 Ruux halka ay ku hanti beeleen Boqolaal qoys sida ay sheegeen mas’uuliyiinta degmada Qardho.

 

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni oo shalay tegay Magaalada Khardho ayaa xalay Magacaabay Guddi ka qeyb qaata gurmadka loo sameynayo dadka ka cararay daadadka Magaalada Khardho.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
____________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment