1065 Views

Trump oo ka hadlay dhacdadii lagu dilay Ninkii Madowga aha

Trump oo ka hadlay dhacdadii lagu dilay Ninkii Madowga aha
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 28 2020–Madaxweyanaha Mareykanka Donald Trump ayaa naxdin iyo masiibo ku tilmaamay dilkii magaalada Minneopolis loogu geystay ninkii madowga ahaa George Floyd.

Trump wuxuu ka codsaday FBI-da iyo waaxda caddaallada dalkaas in tallaabo ay qaadaan marka ay soo afjaraan baaritaannada ku saabsan dhacdadaas.

Wuxuu sidoo kale u tacsiyeeyay qoyska iyo eheleada George Floyd.

“Sida aan ka codsaday, FBI-da iyo waaxda caddaallada waxay si wanaagsan u wadaan baaritaannada dhacdadan naxddinta badan ee masiibada ah ee dilkii Minnesota loogu geystay George Floyd. waxaan ka codsaday baaritaanada kaddib in baaritaanno la qaado, waxaan si aad ugu mahadcelinaya ha’yadaha sharciga ee maxalliga ah shaqada ay qabteen…caddaallada waa inay dhaqan gashaa”

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment