2514 Views

Xasaasi :-DP World, Somaliland & Itoobiya oo wadaagaya Dekedda Berbera!

Xasaasi :-DP World, Somaliland & Itoobiya oo wadaagaya Dekedda Berbera!
____________________________________________________________________________

Muqdisho |  QOL  |  Mar  01 2018  –Kaddib heshiis saddex geesood ah oo ay wadagaleen shirkadda dekedaha ee DP World, Somaliland iyo Itoobiya; ayay DP World waxa ay yeelaneysaa maalgashiga dekedda weyn ee Berbera saami dhan 51%, halka ay Somaliland yeelaneyso 30%; Itoobiya ayaa oo DP World u aqoonsatay wadaay dhinaca Istiraatiijiyadda ah ayay siisay 19%; iyada oo Itoobiya maalgashan doonto dhismaha muhiimka u ah dekedda Berbera.

Heshiiska oo maanta ay wada saxiixeen 3;da dhinac ayaa Itoobiya siinaya awood ay uga mid noqoto maamulka dekedda Berbera.

Heshiiska ayaa lagu sheegay in uu jiro qorshe ku saabsan naqshadda dhismaha Marso cusub oo lagu darayo dekedda Berbera, iyada oo la raacayo qorshaha at DP-World ugu talagashay dekedda Berbera, waxaana lagu xusay heshiiska in DP-World ay billowday fulinta naqshadda dhismaha Berbera, Dekedda Berbera ayaa lagu soo kordhinayaa qalab dheeri ah si loo hagaajiyoo awoodda iyo waxsoosaarka dekedda, waxa kale oo lagu sheegay heshiiska in dekedda la keenayo Wiishashkii ugu horreeyey xilli dhow oo kamid ah sanadkan 2018.

Guddoomiyha Shirkadda DP-World Axmed Bin Suleymaan ayaa ku sheegay heshiiska u dhexeeya shirkaddiisa DP-Worl, Somaliland iyo Itoobiya mid waxtar leh, isaga oo muujiyey sida uu ugu faraxsan yahay hirgelinta fursad ay kuwada shaqeeyaan Itoobiya oo ku sheegay in ay tahay waddanka 110; milyan oo dad ah.

Sacad Cali Shire; Wasiirka arrimaha dibadda, iskaashiga & xiriirka caalamiga ah ee Somaliland ayaa sheegay dhankiisa in mashruucani yahay mid aad muhiim ugu ah Somaliland; kaas oo xal u noqon doona mashaakil ay wajaheysay Somaliland; sida shaqo la’aanta iyo maalgashiga.

Qoraalka heshiiska ayaa sidoo kale lagu xusay in ballaarinta dekedda Berbera uu kordhin doono awoodda gobolka ee ganacsiga.

Wasiirka gaadiidka ee Itoobiya Axmed Shidde ayaa sheegay in kaddib muddo sanad ah oo ay kua jireen wada-xaajood ay Itoobiya ku soo gabagebeysay heshiis ay la gashay maamulka dekedaha ee Somaliland iyo Shirkadda DP-World, heshiiskaas oo siinaya Itoobiya saami dhan 19%;

Heshiiskan la saxiixay maanta ee u dhexeeya Shirkadda Dekadaha ee Imaaraadka; Somaliland iyo Itoobiya ayaa dhacaya iyada oo wasiirka koowaad ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre uu booqasho ku tegey Dubai, lana kulmay madax kamid ah Imaaraadka carabta.

Jamhuuriyadda Jibuuti ayaa dhawaan ka baxday heshiis ay kula jirtay shirkadda PD-world, kaas oo Jibuuti u aragtay in aan wax dan ah ugu jirin.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment