996 Views

Warbaahinta Ruushka oo “waali” ku tilmamay doorashada Mareykanka

Warbaahinta Ruushka oo “waali” ku tilmamay doorashada Mareykanka
____________________________________________________________________________

Telefishinnada Ruushka, ma eegayaan su’aasha ah, musharrexee wanaagsan? Ha ahaato Ruushka ama Mareykanka.

Warbaahinta maamulka Kremlin, arrinta ugu weyn ee shacabka Ruushka ay u gudbinayaan waa in “Mareykanka uu qalalaase ku dhex jiro” iyo in dimuquraadiyadooda ay guuldareysatay.

Arrinta ugu sareysa ee ay baahinayaan na waa in Mareykanka “uusan markan taagneyn meel uu dalalka kale uga sheego waxa qaladka ah iyo waxa saxa ah”.

Saaka, warbaahinta dowladda Ruushka, gaar ahaan telefishinka Rossiya 24, wuxuu baahinayay muuqaallo dhaadheer oo uusan weriye ka dul hadlayn oo ay ka muuqdeen dad jidadka taagan oo qeylinayay.

Doorashada Mareykanka waa “waali”, ayuu yiri TV-ga. Sidoo kale, NTV, oo ka mid ah telefishinnada loogu daawashada badan yahay dalkaas, wuxuu baahiyay “warar ku saabsan in qalalaase la filayo”.

Laakiin, Telefishinka taageera maamulka Ruushka, wuxuu caddeeyay ujeedadiisa: Wuxuu Donald trump u sameeyay baahin aan dhaliil lahayn, wuxuuna ka dhigay sida Nabi Da’ud oo la dagaallamaya Jaaluut oo ah xaalad cabsi leh iyo warbaahint dhinac u janjeerta.

Eedeymaha la xiriira musuqmaasuqa iyo kufsiga ee wiilka Joe Biden, ayay baahinayeen iyagoo aan su’aal gelinin xaqiiqada, waxayna sheegeen in arrintaas oo dhan uu lug ku leeyahay aabihii.

Jawaabta Dimuquraadiga? Sida laga soo xigtay telefishinka dowladda ee Channel One, Wuxuu sheegay inuu yahay filimka cusub ee Borat, kaas oo lagu suntay qareenkii Donald Trump ee Rudy Giuliani.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post