441 Views

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo gaaray Magaalada Algiers ee Dalka Algeria.

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda  Soomaaliya iyo wafdi uu hoggaaminayo oo  gaaray Magaalada Algiers ee Dalka Algeria.
____________________________________________________________________________

Khamiis: OCTOBER 27, 2022

Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Cilmi Maxamuud Nuur iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaalada Algiers ee Dalka Algeria.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya iyo wafdigiisa ayaa waxaa soo dhaweyn u sameeyay Wasiirka Ganacsiga Xukumadda Algeria Kamal Razik iyo Safiirka Dowladda Soomaaliya u fadhiya Magaalada Algiers Cabdulwahab Mocalim Maxamed.

Wasiirka ayaa Dalka Algeria uga qeyb gali doono shirka Wasiirada Maaliyadda Dalalka Jaamacadda Carabta.

Dr. Cilmi Maxamuud Nuur Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in khudbad ka jeediyo shirka Wasiirrada Maaliyadda dalalka Carabta kaas oo diiradda lagu saari doona arrimaha maaliyadda dalalkaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post