696 Views

DFS oo wado qorsho loogu gurmanayo Soomaalida ku xayiran xadka Ukraine iyo Poland.

DFS oo wado qorsho loogu gurmanayo Soomaalida ku xayiran xadka Ukraine iyo Poland.
____________________________________________________________________________

Talaado: March 1, 2022

Safaaradda Soomaaliya ee dalka Serbia ayaa sheegtay in ay ku howlan tahay sidii loo samatabixin lahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dalka Ukraine isaga soo cararaya.

Safaaradda JFS ee Belgrade, iyada oo fulineysa tacliimaadka Wasaaradda Arrimaha Dibadda JFS, waxaa ay dadaal xoog leh u gashay sidii adeeg qunsuliyadeed loogu sameyn lahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee dagaalada Ukrain ka socda ay noloshoodu saameysay iyo sidii loo soo badbaadin lahaa muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xayirnaa xuduuda u dhaxaysa Ukraine iyo Poland.

Sidaa awgeed; Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee Belgrade Serbia waxaa sharaf u ah in ay u howlgashay, hubiseyna badqabka muwaadiniinta kala ah:

1. Mustafe Cabdul Daahir oo ah arday ka yimid Degamadda Gaalkacyo ee Gobalka Mudug.

2. Cabdullaahi Xuseen Mursal oo ahaa aday kana yimid Degamadda Waaberi ee Gobalka Banaadir.

3. Anwar Axmed Aadan oo ahaa muwaadin deganaa Caasimadda dalka Ukraine ee Kyiv, Anwar wuxuu ka yimid Degamadda Yaaqshiid ee Gobalka Banaadir.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post