1083 Views

Ruushka oo sheegay inuu soo riday diyaarado milateri oo laga leeyahay Ukraine

Ruushka oo sheegay inuu soo riday diyaarado milateri oo laga leeyahay Ukraine
____________________________________________________________________________

Sabti: April 23, 2022

Ruushka ayaa sheegay inuu soo riday hal diyaarad oo ah kuwa dagaalka iyo sadex kale oo ah kuwa qumaatiga u kaca oo laga leeyahay dalka Ukraine.

Wasaaradda gaashaandhigga ayaa sheegtay guulo kala duwan oo ay ka gaareen dagaalka iyadoo ciidamada cirka ee Ruushka ay beegsadeen xarumo badan oo ay ku sugnaayeen militariga Ukraine.

BBC-da si madax banaan uma aysan xaqiijinin sheegashooyinkaas. Ukraine ayaan sidoo kale weli ka jawaabin.

Ruushka Ukraine ayaa Qaramada Midoobay iyo hayadaha kale ee caalamiga ah ka codsatay inay badbaadiyaan dad badan oo rayid ah isla markaana ay gargaar gaarsiiyaan aagagga ay weeraraan Ruushka, gaar ahaan magaalada dekedda leh ee Mariupol.

Xildhibaan ka tirsan xisbga madaxweynaha Ukraine, Vladymyr Zelensky, Vadym Halaychuk, ayaa BBC-da u sheegay in QM ay tahay inay dowr ka qaadato furista waddooyin loo mariyo gargaarka biniaadanimo iyo inay ka shaqeyso xallinta dagaalka

.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post