1011 Views

Dalka Masar oo lagu gubay meydka qof u dhintay cudurka safmarka ah ee Covid-19

Dalka Masar oo lagu gubay meydka qof u dhintay cudurka safmarka ah ee  Covid-19
____________________________________________________________________________

Apil 7/4/2021

Mas’uuliyiinta ayaa baaraya dhacdo lagu gubay meydka qof u dhintay cudurka Karoona.

Waxaana lagu soo warramayaa in god lagu riday meydka isla markaana dab la qabadsiiyay.

Sida laga soo xigtay warbaahinta gudaha, in meydka la gubay uu ahaa kalkaaliye ka howlgalayay cisbitaalka Helwan ee ku yaalla koonfurta magaalada Al Qaahira oo u dhintay cudurka.

Faquuqa ka dhanka ah dadka uu ku dhacay cudurka ayaa kusii badanaya Masar iyadoo bulshooyinka qaar ay kasoo horjeedaan in meydadka dadka u dhintay Covid-19 lagu aaso qabuuraha.

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post