861 Views

Guddoomiyaha Guddiga doorashooyinka Heer Federaal & Xubno kale oo gaaray Kismaayo

____________________________________________________________________________

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Heer Federaal Muuse Geelle Yuusuf, kuxogeenkiisa  iyo Xubno kale oo kamid ah Guddiga ayaa waxaa ay Maanta gaareen Maaalada Kismaayo ee gobolka Jubbada Hoose.

Xubnahaan oo ka ambabaxay magaalada muqdiso ayaa garoonka diyaaradaha Magaalada Kismaayo waxaa kusoo dhaweeyay Xubnaha Guddiga doorashooyinka Heer dowlad Goboleed ee Jubbaland.

Wararka Idaacadda Risaala ay heleyso ayaa sheegaya in Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Heer Federaal Muuse Geelle Yuusuf & Xubnaha la socda ay Goobjoog ka noqon doonaan doorashada Kursiga Golaha Shacabka ee uu ka geeriyooday Xildhibaan Maxamuud Maxamed Kuuloow, kaas oo doorashadiisa Beri lagu qabanayo Magaalada Kismaayo.

Sidoo kale Guddiga doorashooyinka Heer  Federaal oo ay wehlinayaan Guddiga doorashooyinka Jubbaland ayaa Maalinta Talaadada ah tegi doona degmada Ceelwaaq ee Gobolka Gedo, halkaas oo lagu qabanayo doorashada 16 kursi ee laga soo wareejiyay Xarunta Gobolka Gedo ee degmada Garbahaareey.

Ammaanka guud ee degmada Ceelwaaq ayaa Maanta aad loo adkeeyay, waxaana halkaasi ku sugan Ciidamada Daraawiishta maamulka Jubbaland & kuwa Kenya ee katirsan AMISOM, waxaana xusid mudan in Xarunta Gobolka Gedo ee Garbahaareey ay Xubno kale ka qaban qaabinayaan doorasho kale.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post