1053 Views

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh oo ku tilmaamay afganbi Ciidan wixii manta dhacay

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh oo ku tilmaamay afganbi Ciidan wixii manta dhacay
____________________________________________________________________________

April 12-4-2021

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, haatanna ka mid ah musharaxiinta mucaaradka ee doorashada madaxtinnimada Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay go’aankii maanta ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya uu muddada labada sano ah ugu daray hay’adaha dowladda.

Xasan Sheekh ayaa qoraal uu bartiisa Facebook ku soo qoray ku yiri “Mas’uuliyiinta dowladda waxaa loo doortaa hoggaaminta dalka muddo cayiman oo ku xusan dastuurka. Isku dayga ah in muddadaas xoog lagu kororsado waxaan u aqoonsannahay afgambi ciidan.Cawaaqibta ka dhasha arrintan waxaa mas’uuliyaddeeda qaadaya madaxweynaha waqtigiisu dhamaaday”.

Golaha Shacabka Soomaaliya ayaa ansixiyay in muddo kordhin ah labo sano ah loo sameeyo muddo xileedka hay’adaha dowladda, si bey yiraahdeen loogu diyaar garoobo doorasho qof iyo cod ah.

Office Nairobi

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post