1407 Views

SAWIRO:-Ciidamada Jubbaland oo howlgal qorsheysan fuliyay

SAWIRO:-Ciidamada Jubbaland oo howlgal qorsheysan fuliyay
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | September 18 2019 —Ciidamada Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa howl gallo qorsheysan waxaa ay saacadihii la soo dhaafay ka fuliyeen deegaanno hoostaga degmada Jamaame ee gobolka Jubbada hoose,halkaas oo ay ku sugan yihiin Xubno ka tirsan Ururka Al-Shabaab.

 

Deegaannada ay Ciidamada Jubbaland howlgallada ka fuliyeen ayaa waxaa ka mid ah,Bandar-Jadiid, Maleelay, Janaala-Jaay, Koban iyo Araare oo dhamaantood ah deegaano dhaca wabiga Jiinkiisa.

 

 

 

Saraakiil ka tirsan Ciidamada Jubbaland oo howlgalka hoggaaminaya ayaa waxaa ay sheegeen in Ciidamada Jubbaland ay Al-Shabaab kala wareegeen deegaannada,Bandar-Jadiid Janaala-Jaay iyo Maleelay

 

Dhinaca kale Afhayeenka Wasaaradda  Amniga Jubbaland Cabdinuur Ibraahim Xuseen ayaa sheegay in howlgalkaas lagu dilay ilaa 13 ka mid ah dagaalamayaasha Ururka Al-Shabaab wallow aysan jirin cid madax bannaan oo xaqiijisay.

 

Taliyaha Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Odawaa yuusuf Raage ayaa isaga oo howlgalkaas ka hadlayay dhankiisa waxaa uu sheegay in Ciidamada dowladda & kuwa Jubbaland oo howlgalka fuliyay ay dileen 15 xubnood halka mid ka mid ah ay Nolosha ku qabteen.

 

War-Saxaafadeed kasoo baxay taliska Mareykanka ee qaarada Afrika (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in duqeyn dhinaca cirka ah oo ay ka fuliyeen duleedka Kismaayo ay ku dileen laba Xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment