921 Views

Mareykanka oo Madaxda dowlad Goboleedyada uga digay dib u dhaca doorashada

Mareykanka oo Madaxda dowlad Goboleedyada uga digay dib u dhaca doorashada
____________________________________________________________________________

Muqisho |QOLIArbaco : December 15, 2021—Dowladda Mareykanka ayaa waxaa ay markale ka dalbaday Madaxda dowlad Goboleedyada ibay ka fogaadaan dib u dhac kale oo ku yimaada doorashada, si degdeg ahna u soo gabagabeeyaan doorashooyin lagu kalsoonaan karo, hufan oo loo dhan yahay

Qoraal kasoo baxay Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa lagu shaaciyay in ay muhiim tahay in doorashooyinka waqtigooda ku dhacaan

“Hannaan waqtiyeysan, oo si ballaaran loo aqbalay ayaa muhiim u ah mustaqbalka Soomaaliya”ayaa lagu yiri” Warka lagu qoray Twitterka Safaaradda Mareykanka.

Warkaan kasoo yeeray Safaaradda Mareykanka ee Muqdisho ayaa kusoo aadaya xilli dhowr jeer ay dib u dhacday doorashada Soomaaliya, sidoo kalena Midowga Musharrixiinta ay dalbadeen in la joojiyo doorashada, iyaga oo sheegay in boob lagu haayo.

Xafiiska Qaranimo Online |Mogdishu

_______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post