756 Views

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo weerar afka ah ku qaaday Madaxweyne Farmaajo

Guddoomiyaha Aqalka Sare oo weerar afka ah ku qaaday Madaxweyne Farmaajo
____________________________________________________________________________


Muqdisho | QOL | February 03, 2021
–Gudoomiyaha Aqalka Sare ee Barlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ku eedeeyay madaxweyne Farmaajo in uusan qaddarin waajibaadka dastuurka uu siiyay Aqalka Sare.

“Aqalka Sare ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya sida uu dastuurka qaranka sheegayo.. waa wakiilka dowlad goboleedyada,waa ilaaliyaha nidaamka federaalka ee dalkan”

Wuxuu dhanka kale sheegay in uu ka xun yahay in aanan lagu casuumin shirka maadama Aqalka Sare uu waajib ka saaran yahay xallinta khilaafka soo gala dhexgala dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada.

“Waxaan ka xumahay muddadaa uu jiray Aqalka Sare in madaxweyna uusan aqoonsanin tixgelinin waajibaadkaa dastuuriga ah ee dastuurka siiyay Aqalka Sare, khilaaf kasta iyo wadahadal kasta oo dhexmara dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada, Aqalkaasi in uu yahay midka shirarkaas muhiimad gaar ah ay ka saaran tahay oo dhexdhexaadiye ah” ayuu yiri Cabdi Xaashi oo goordhaweyd shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho.

Hadalka guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa kusoo beegmayaa xilli magaalada Dhuusamareeb ay isugu tageen madaxda Dowlad Goboleedyada iyo Dowladda Federaalka si ay uga wadahadlaan muranka harreeyay hanaanka doorashada Soomaaliya.

xafiiska Wararka Qaranimo Online |
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post