621 Views

Al-shabaab oo sheegatay Mas’uuliyada qaraxii caawa ka dhacay Maqaayad u dhaw Xerada Jenera Dhagabadan Ex. Nacnac degmada Wadajir

Al-shabaab oo sheegatay Mas’uuliyada qaraxii caawa ka dhacay Maqaayad u dhaw Xerada Jenera Dhagabadan Ex. Nacnac degmada Wadajir
____________________________________________________________________________


Talaado: January 18, 2022

Kooxda Al-Shabaab ayaa durbadiiba sheegatay masuuliyadda qaraxii Abaaro 5:18 PM  ka dhacay magaalada Muqdisho gaar ahaan Maqaayad u dhaw Xerada Jenera Dhagabadan Ex. Nacnac.

 Warbaahinta taageerta kooxda ayaa werisay in Al-Shabaab ay sheegtay in qaraxaas lagu dilay 20 askari oo ka tirsanaa ilaalada dugsiga tababarrada ciidanka Soomaaliya ee TurkiSom.

Maqaayada uu galabta qaraxaasi ka dhacay oo ku taalla ka soo horjeedka Warshadii hore ee Nacnaca, haatana ah xero tababar oo ciidanka xooggu uu leeyahay ayaa dhacda dhinaca koonfureed ee degmada Wadajir, 15-Juun 2021-kii ayuu sidaan oo kale qarax ismiidaamin ah uga dhacay maqaaxidaas.

Sidoo kale 72 saac ka hor ayay ahayd Markii Al-shabaab Qarax Nuucaan oo kale ah ay la beegsadeen Afhayeenka Raisal Wasaaraha Somaliya Macalimuu oo dhaawac Culus soo gaaray shalay loo qaaday Dalka Turkiga.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post