2373 Views

Madaxweyne Gaas ”Puntland waa Maamul isku filan oo aan cidna u baahneyn”

Madaxweyne Gaas ”Puntland waa Maamul isku filan oo aan cidna u baahneyn”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 2018 – Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabduweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in Maamulka Puntland waqtigaan uusancidna u baahneyn,isla markaana uu yahay Maamul isku filan dhinac walba oo gaari kara guulo waaweyn.

Gaas,ayaa sheegay in cid allaala ee haatan u hanqal taageysa in meelo kale ay aado ay fasaxayaan laakin Puntland waqtigaan ay isku filan tahay.

Shacabka Puntland ayuu ugu baaqay in ay ilaashadaan midnimadooda,waxa uuna sheegay in Maamulkooda ay taageeraan,isla markaana uu yahay mid wax badan u qaban kara.

Hadalalka Madaxweynaha Puntland ayaa ku soo aadaya xilli Madaxweyne Gaas uu taageeray dowladda Imaaraadka Carabta oo khilaaf weyn kala dhaxeeyo dowladda,isaga oo horay u sheegay in aysan jirin cid ay ku doorsanayaan Imaaraadka.

.

W/Q:-Bashiir Barre ALI

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment