1077 Views

Waare “Diyaaradii labada Madaxweyne qaaday waan la xisaab tameynaa”

Waare “Diyaaradii labada Madaxweyne qaaday waan la xisaab tameynaa”
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | November 10, 2019–Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif & Xasan Sheekh & Xasan sheikh ayaa waxaa ay Maanta booqasho ku tageen Balaweyne,hayeeshee Xildhibaano ka tirsan golaha Shacabka ay sheegeen in kal hore loo diiday inay Garoonka ka degaan,hayeeshee waxaa Warkaasi beeniyey Madaxweynaha Maamulka Hir-Shabelle.

 

Maxamed Cabdi Waare oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in xalay Madaxweyne kuxigeenka Hir-Shabeelle uu ku wargeliyey Safarka labada Madaxweyne,balse ay jireen in qeyb kamid ah Garoonka Baladwyene ay biyo yaalleen.

 

 

 

Waxaa uu sheegay in sidoo kale Hay’adaha qaabilsan dhinaca Hawada,sida UN-Ka iyo AMISOM ay  ku wargeliyeen in xilligaan aan Garoonka diyaarad ku degi karin,isla markaana uu hadalkaasi la wadaagay Xasan Sheekh Maxamuud laakin uu ugu jawaabay hadal aan wanaagsaneyn.

 

Waxaa uu been abuur ku tilmaamay wararka sheegayay in Dowladda Federaalka u diiday wafdiga Madaxweyayaashii hore ee Soomaaliya iyo in Maamulka Hir-Shabeelle uu Garoonka Baladweyne u diieen inay diyaaradii sidey ka degaan Garoonka Baladweyne.

 

Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in ay la xisaabtamayaan Shirkadda leh diyaaradii fulin weysay amarka ee qaaday wafdiga Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya ee geysay Magaalada Baladweyne,isaga sheegay inay ku xadgudubtay xirfadii duulimaadyada.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment