1059 Views

Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed iyo taliyaha Booliska Gobolka Baay oo la afuray ciidanka ku jira sugida amniga

Wasiirka Warfaafinta Koonfur Galbeed  iyo taliyaha Booliska Gobolka Baay oo  la afuray ciidanka ku jira sugida amniga
____________________________________________________________________________

May 6, 2021

Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta Bulshada Koonfur Galbeed Soomaaliya, Mudane Ilyaas Saciid Cali (Qalinle) oo ay wehliyaan agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Mudane Kheyre Cali Isaaq, taliyaha Booliska Gobolka Baay Amiin Mad Daruur iyo taliyaha Saldhiga Degmada Baydhabo Mukhtaar Axmed Dugudow ayaa la afuray qaar kamid ah ciidanka ku gudda jira sugida amniga Magaalada Baydhabo, si ay ugu dhiiri geliyaan howsha Wanaagsan ee ay hayaan isla markaana loogu muujiyo in Mas’uuliyiinta Dowladdu ay garab taagan yihiin.

Wasiir Ilyaas Qalinle ayaa sheegay in Afurka uu u sameeyay ciidanka uu qeyb ka yahay amarka Madaxweynaha ee ku aadan dhiira gelinta Ciidanka, wuxuuna tilmaamay in ay ka go’an tahay dhiiri gelinta iyo sare u qaadidda muraalka ciidanka, si loogu guuleyso kooxaha Argagixisada.

Wasiirka ayaa ugu baaqay shacabka Baydhabo in ay la shaqeeyaan ciidamada si looga guuleysto kooxda nabad iyo nolol diidka.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post