2499 Views

Sawiro;-Q.M Oo Xafiis ka furaneysa Dhuusa-Mareeb.

Sawiro;-Q.M Oo Xafiis ka furaneysa Dhuusa-Mareeb.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | February 6 2018-Magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Maamulka Galmudug ayaa maanta waxaa gaaray xubno ka socda Qaramada Midoobey iyo Dowlada Fedraalka Soomaaliya.

Wafdigaan maanta gaaray magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa hogaaminaya wasiirka wasaarada gaadiidka iyo duulista hawada Mudane Maxamed cabdulaahi Salaad Oomaar iyo 8 xubnood oo kale oo ka socda xafiiska Qaramada Midoobey ee Muqdisho.

Ujeedka Wafdigaan Maanta gaaray Magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa lagu sheegay

Dhaqan gilinta balan qaad uu dhawaan magaaladaas ka sameeyay ergayga gaar ka ah ee Q.m u qaabilsan Soomaaliya Micheal Keating balan qaadkaas oo ahaa in Dhuusamareeb ey Qaramada Midoobey ay ku yeelato Xafiis.

Xubnahaan ayaa maanta markii ay gaareen magaalada durba bilaabay inay indha indheeyaan halka ku haboon xafiiska Qaramada midoobey iyadoona dhowr xaramuud lagu soo wareejiyay.

Waxaa kaloo xubnahaan ay la kulmeen Madaxa Xukumada Maamulka Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir oo ay kala hadleen arimo kala duwan.

Madaxa Xukumada Galmudug Shiikh Maxamed Shaakir oo goobta ka hadlay wuxuu sheegay inuu soo dhaweynaayo xubnahaan ka socda Qaramada Midoobey iyo in xafiis ay ka furtaan Dhuusamareeb, wuxuuna balan qaaday in ay kala shaqeyn doonaan halka ay noqon doonta xafiiska Q.M iyo Sugida Amnigeeda.

 

18

12-2-768x512

13-1

22

23

24-768x512

21

11-2-768x512

3-24 2-28

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment