1482 Views

Wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon Oo Maanta Maxkamad Lasoo Taagay

Wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon Oo Maanta Maxkamad Lasoo Taagay
____________________________________________________________________________

 

Muqdisho | QOL | April 20, 2019 –Waxaa Maanta Maxkamadda Gobolka Maroodijeex ee ku taalla Magaalada Hargeysa la soo taagay Wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon,kaasi  oo Ciidanka Booliska Somaliland ay ka soo xireen Magalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer.

Ciidamadii soo qabta Waiye Cabdi Maalik ayaa waxa uu Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodijeex u sheegay inay dib ugu celiyaan Gobolka Togdheer,halkaasi oo markii hore laga soo qabtay.

Guddoomiyaha Maxkamadda ayaa Ciidanka Booliska Somaliland weydiiyay inay heystaan in kale warqadii ay kusoo qabteen,isla markaana iyagoo ugu Jawaabay in aysan heysan wax warqad ah,iyagoo u sheegay inay soo qabteen oo kaliya.

 

 

Ugu dambeytiin Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Maroodijeex ayaa Ciidankii soo qabtay Wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon ku amray inay si deg deg ah goob Caafimaad u geeyaan,si looga soo Daaweyo dhaawacyo la sheegay inay ka muudeen Jirkiisa oo soo gaaray.

 

Laba habeen kahor ayaa waxaa Wariye Cabdi Maalik Muuse Coldoon Ciidamada Booliska Soomaaliland ka soo xireen Magalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer,kaasi oo ka mid ah Wariyeyaasha ugu caansan Soomaalida.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment