1206 Views

SAWIRO: Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Xudur

SAWIRO: Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo gaaray Xudur
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL July 06, 2019—Madaxweynaha maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Koofur galbeed, C/casiis Xasan Maxamed (Lafta gareen) iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa Maanta gaaray Magaalada Xuddur ee Caasimadda Gobolka Bakool.

 

Safarka Madaxweynaha uu ku tagay Xuddur ayaa waxaa qeyb ka ahaa Wasiirrada caafimaadka, maaliyadda, amniga, degaanka, Xildhibaanno, Taliyayaasha Ciidanka xoogga Dalka ee degaanada Koonfur Galbeed iyo kan Darawiishta Koonfur Galbeed.

 

Madaxweyne Lafta gareen, ayaa sheegay in Maalmaha uu ku sugan yahay Xuddur, inuu wax ka qaban doonaan baahiyaha ka jira Degmada, isla markaana uu Indha-indhayn ku sameyn doono sida ay u socdaan howlaha maamulka iyo Ciidamada.

 

“Waxaan u nimid inaannu ogaanno howlaha Dowladda ee ka socda degaannada Gobolka , gaar ahaan Degmada xudur iyo inaan dardar gelinno, dhhiirri gelinno , sida shaqada ku socotana ogaanno, oo aynu ka jawaabno baahiyaha Xudur yaalla”, ayuu yiri Madaxweyne ,Lafa gareen.

 

Waxa uu sidoo kale sheegay Madaxweyne Lafta gareen in ay wax ka qaban doonaan adeegyada Bulshada, gaar ahaan wax barashada iyo caafimaadka, isla markaana ay la kulmi doonaan, maamulka, ciidamada, hay’adaha iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada, si guud iyo si gaar ahna ay isu arki doonaan, Ciidamaduna ay ku samayn doonaan dib u dhis iyo tiro koob.

 

Madaxweynaha ayaa Ciidamada xoogga Dalka Soomaaliya iyo kuwa daraawiishta KG ku ammaanay dagaalka ay kula jiraan Argagixisada, inta uu joogana ay kooxda Al-Shabaab ka xoreyn doonaan degaannada ay kaga sugan yihiin Gobolka Bakool.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment