876 Views

Warbaahinta Kenya oo si weyn u hadal haya burcad telefoon ka dafeen nin boolis ah oo Tarafik ah

Warbaahinta Kenya  oo  si weyn u hadal haya  burcad  telefoon ka dafeen nin boolis ah oo  Tarafik ah
____________________________________________________________________________

Khamiis: July 8, 2021

Dadka adeegsada baraha bulshada ee caasimadda Nairobi ayaa si weyn u hadal haya fal burcadeed ka dhacay xaafadda Kasarani, xilli rag tuugo ah ay telefoon ka dafeen nin boolis ah.

Muuqaal ay duubeen kaameradaha CCTV ayaa muujinaya nin ka tirsan booliska wadooyinka oo kala hagaya gawaari kadibna ay telefoon uu ku hadlayay ka dafeen saddex nin oo mooto saaran.

Muuqaalka ayaa si weyn loogu wadaagay baraha bulshadda ay kuwada xiriirto.

Arrintan ayaa ka fajicisay dad badan oo siyaaso kala duwan uga hadlay falkaas.

Garyaqaan Axmednasir Cabdullahi oo kamid ah ragga ugu caansan dadka wax ku qora Twitter-ka ee Kenya ayaa tilmaamay in xitaa boolisku ay dhibbanayaal u yihiin burcadnimada ka taagan Nairobi.

Dadka badankood ayaa su’aal geliyay ammaanka caasimadda, iyagoo tilmaamay in haddiiba booliska sidan la yeelayo, ay xaalad adag wajahayaan shacabka caadiga ah

Horraantii bishan, booliska Kenya ayaa sheegay in askar dheeraad ah uu geyn doono wadooyinka muhiimka ah ee caasimadda si looga hortago dhaca iyo tuugada dadka baarata.

Shacabka ku nool Nairobi ayaa billaabay inay tilmaameen wadooyinka iyo aaggaga faras magaalaha ee ay inta badan dadka lagu dhaco si la isaga ilaaliyo burcadda.

Dhaca iyo jeeb siibka ayaa ku badan Nairobi inkastoo ay caasimadda ku xiran yihiin kaamerooyin casri ah oo ay dowladda ku kharash garaysay malaayiin dollar.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post