1701 Views

Somaliya oo mar kale codsatay in cunaqabateynta laga qaado Eritrea

Somaliya oo mar kale codsatay in cunaqabateynta laga qaado Eritrea
____________________________________________________________________________

Muqdisho, October 01, 2018 —Dowladda Soomaaliya ayaa dalbatay in cunaqabateynta saaran dalka Eritrea laga qaado si loo gaaro Gobolka Geeska Afrika oo xasilloon.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya Axmed Ciise Cawad, oo khudbad ka jeediyay  Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa ku baaqay in Qaramada Midoobey ay cunaqabateynta ka qaaddo dalkaasi.

Sidoo kale Wasiirka arrimaha dibadda Itoobiya, Workneh Gebeyehu, ayaa isaguna ugu baaqay Beesha Caalamka in cunaqabateynta laga qaado dalka Eritrea oo ka mid ah dalalka Geeska Afrika.

Dhinaca Wasiirka arrimaha dibadda Eritrea  Cismaan Saalax, ayaa isaguna dhamaan Khudbaddiisii golaha guud ee Qaramada Midoobey uga hadlay cunaqabeynta oo uu sheegay in ay tahay mid sharci darro ah.

Kaliya Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf oo isna Jabuuti ku matalayay Golaha Guud ee Qaramada Midoobey ayaan sameynin codsiga ah in cunaqabateynta laga qaado dalka Eritrea.

Dalalka Eritrea, Itoobiya, Jabuuti iyo Soomaaliya ayaa wasiirradooda arrimaha dibadda u diray shirkii 73aad ee Golaha guud ee Qaramada Midoobey.

Dowladda Soomaaliya ayaa 30kii July 2018 ku baaqday in cunaqabeynta laga qaado dalka Eritrea,waxaa arrintaas aad uga carooday dalka Jabuuti oo la baxday danjiraheedii Muqdisho,  inkasta oo markii dambe Wasiirrada arrimaha dibadda ee Itoobiya, Eritrea iyo Soomaaliya ay ka dageen Magaalada Jabuuti halkaas oo dib looga billaabay cilaaqaadlka Jabuuti iyo Eritrea oo muddo hakad ku jiray

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

———————————————————————-

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment