1710 Views

aktarka Sanjay Dutt, oo Imaaraatka Carabta uga mahadceliyay in ay siisay visa dahabi ah.

aktarka  Sanjay Dutt, oo  Imaaraatka Carabta uga mahadceliyay in ay siisay visa dahabi ah.
____________________________________________________________________________

June 4 2021

Jilaaga caanka ah ee Bollywood, Sanjay Dutt, wuxuu dowladda Imaaraatka Carabta uga mahadceliyay in ay siisay dal ku gal (visa) dahabi ah.

Jilaagan ayaa bogaggiisa Bulshada ku baahiyay sawiiro uu ku muujinayo arrintas iyo mahadcelinta, isagoo gacanta ku haysta baasaboorkiisa oo uu ku dheggan yahay fiisaha la siiyay.

“Waxaa sharaf ii ah in dal ku galka dahabiga ah ee Imaaraatka uu isoo gaarsiiyay Taliyaha Guud, Sarreeye-gaas Maxamed Al Marri, iyo Agaasimaha Guud ee @GDRFADUBAI,” ayuu ku yiri farriin uu soo dhigay Twitter-kiisa.

Sanjay Dutt wuxuu hadda ka mid yahay dadka caanka ah ee haysta fiisahaas dahabiga ah ee Imaaraatka. Waxaa horey loo siiyay ciyaaryahanka kubadda cagta caanka ku ah Ronaldinho iyo dad kale oo badan.

Sida uu qoray wargeyska Indian Express, madaxweyne ku xigeenka iyo Ra’iisul Wasaaraha Imaaraatka iyo Boqorka Dubia, Sheekh Maxamed Bin Rashid Al Maktuum, waxay fasexeen in 10-sano oo Visa dahabi ah la siinayo xirfadleyaasha.

Waxay doonayaan in ay soo dhoweytaan dadka xirfadda leh iyo kuwa fikirka wanaagsan “si dalkooda ay uga cawiyaan in uu sii hormaro”.

Qofka hela fiisahan wuxuu 10 sano ku noolaan karaan Imaaraatka, waxayna aqoonsasho u tahay arrinta qofkaas uu ku soo kordhin karo imaaraatka. Si gaar ah arrimaha hormarka keeni kara sida Dhaqanka iyo madadaalada.

Haddaba, maxaa laga faa’idayaa fiisaha dahabiga ah ee Imaaraatka?

Fiisahan wuxuu fursad degganaansho siinayaa dadka leh xirfadaha soo socda: Maalgashadeyaasha, dadka hibada u leh ganacsiga, dadka leh xirfadaha cajiibka, sida baareyaasha, dhakhaatiirta iyo kuwa ka shaqeeya arrimaha seyniska iyo aqoonta guud. Sidoo kale ardeyda aadka u wanaagsan ayaa helaya fiisahan.

“U jeedada ugu wayn ee Imaaraatka uu arrintan u sameynayo waa in qof kasta oo doonaya in uu wax wanaagsan ku soo kordhiyo, caddeynna la yimaadda, la siinayo Fiisaha Dahabiga ah, si uusan qofkaas uga walwalin dhanka sharciga iyo sida uu u shaqeysanayo,” sida ay dowladda Imaaraatka sheegtay.

Sidee loo dalbadaa fiisaha noocan ah?

Dadka daneynaya in fiisaha dahabiga ah ee Imaaratka ay dalbadaan, waxay u mari karaan boggooda internetka ee Maamulka Federaalka ee qaabilsan Aqoonsiga iyo Muwaadinnimada – ICA.

Sidoo kale, wuxuu qofka ka dalban karaa Waaxda Deegaameynta iyo Arrimaha dibadda (GDRFA). Laanta ICA waa qadka internet-ka oo keli ah, balse GDRFA waxaa lagala xiriiri karaa Internet-ka, toosna waa loo booqan karaa xafiisyadooda.

Hannanka wuxuu aad ugu fudud yahay dadka haysta shahadooyiin iyo warqadaha saxda ah, doonayana in ay u guuraan Imaaraatka si ay oga shaqeystaan.

Yaa mudan oo dalban kara fiisahan?

Fiisaha 10-ka sano ah waxaa dalban kara oo mudan dadka maalgashiga gelin kara ugu yaraan 10 milyan oo dirhamka Imaaraatka ah oo u dhiganta $2.72 milyan oo dollar – Lacagtaasna waxay ahaan kartaa mid maalgashi ah ama mid shirkad ganacsi ku jirta.

Sikastaba, waxaa qasab ah in illaa 60% lacagtaas aysan ahayn mid ku jirta maalgashiga dhismeyaasha iyo guryaha, waana in aysan dayn ahayn. Sidoo kale waa in aysan ahayn hanti dhuleed – Muhiimaddu waa in lacagta aad maalgashiga gelineyso ay tahay mid aad adiga leedahay.

Sidoo kale, waa in maalgashigaaga uu noqon karo mid soconaya ugu yaraan seddax sano. Haddii adiga aad buuxiso shuruudaha, waxaa Fiisaha qeyb kaala noqon kara qof shirko aad ku tihiin ganacsi, balse waa in qofka kalena uu buuxiyo dhammaan shuruudahaas uuna haysto lacagta ah 10 milyan oo dirham.

Sidoo kale, waxaa qeyb ka noqon kara, xaas, carruur, hal qof oo Agaasime ka ah ganacsiga iyo hal qof oo lataliye kuu ah.

Ganacsatada ka dib, sidoo kale dadka leh xirfadaha gaarka ah ayaa dalban kara fiisahan. Waxaa ka mid ah: Dhakhaatiirta, cilmi-baareyaasha, Seynisyahannada, iyo farshaxanka iyo fanka dadka ku wanaagsan, iyo ciyaartoyda.

Dadkaas waxaa Fiisaha la siinayo u dalbayo shirkadda ama hay’adda ay u shaqeyn doonaan marka ay Imaaraatka tagaan, waxaana Fiisaha lagu dari karaa xaasas iyo carruur.

Fiisaha shanta sano ah, shardiga ganacsatada isma bedelayo ee waa sidiisa, sidoo kale dadka maalgashiga sameynayana waa la mid, balse lacagta ayaa is yaraaneysa oo noqoneysa 5 milyan oo dirham.

Sidoo kale, ardeyda dugsiga sare ama jaamacadaha Imaaraatka ku biiraya, waxaa loo ogol yahay dal ku gal dahabi ah oo shan sano ah.

Balse shardiga wuxuu yahay in aad tahay ardeyga ugu sarreeya ee imtaxaanka ku baasay dhanka dugsiga sare (natiijada ugu yarna waa in ay tahay 95%), sidoo kale jaamacado waa kuwo gaar ah, waana in natiijada ay tahay 3.75 GPA iyo wixii ka sarreeya in aad ku soo qalin jebisay.

Ganacsatada doonaysa in shaqadooda iyo ganacsigooda u wareejiyaan Imaaraatka, way dalban karaan fiiso iyo degganaansho shan sano ah iyagoo u maraya barnaamijka Fiisaha Dahabiga ah.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post