222 Views

Madaxweynaha Yukreeyn oo guulo kasheegtay dagaalka ay kulajiraan Ruushka.

Madaxweynaha Yukreeyn oo guulo kasheegtay dagaalka ay kulajiraan Ruushka.
____________________________________________________________________________

Isniin:June 13, 2022

Madaxweynaha yukreeyn Faladamiir zalaniski ayaa shaaca kaqaaday in kudhawaad 40 kun oo kamid ah millatariga ruushka ay kudileen dagaallada kasoconaya qeybo badan oo kamid ah dalkaasi tan iyo markii ruushku ay billaabeen gulufka millatari ee yukreeyn.

Maayarka gobalka luhaniski ayaa sheegay in tiro kabadan 500 oo qofood oo rayid ah ay gabbaad kadhiganayaan dhismaha warshad kiimikada soo saarta taasi oo kutaalla aagga Aazoot loo yaqaanno waxa uuna intaas kudaray in dadka meesha kujira ay kamidyihiin 40 caruur ah kuwaasi oo kujira xaalad adag maadaama ruusku ay wadaan duqeymo aan loo meeldayin kuwaasi oo ay kubartilmaameedsanayaan dhismayaasha ay kusuganyihiin ciidamada millatariga yukreeyn.

Sida ay sheegayaan qaar kamid ah bahda cilmibaarayaasha hubka ee caalamiga  waxaa jirta cabsi laga qabo in ay suurtagal tahay In la adeegsado hubka wax gumaada ee nukliyeerka tan iyo dagaalkii qaboobaa ee dunida.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post