2148 Views

Sawirro:-Duuliyeyaal Hindi Ah Oo La Soo Bandhigay Iyo Pakistan Oo Beenisay In Diyaarad Laga Soo Riday

Sawirro:-Duuliyeyaal Hindi Ah Oo La Soo Bandhigay Iyo Pakistan Oo Beenisay In Diyaarad Laga Soo Riday
____________________________________________________________________________

Mogdishu | QOL | Febaraayo 27, 2019 –Afhayeenka Milliteriga da Pakistan, Jeneral Asif Qafuur ayaa sheegay inay saakayto soo rideen 2 Diyaaradaha Dagaalka ee Hindiya, kuwaasi oo ku soo xad-gudbay Xuduudka Pakistan.

Waxa kale oo uu sheegay inay nolol ku qabteen 3 Duuliye oo la socday Diyaaradaha la soo riday, iyadoo mid ka mid ah Duuliyayaasha uu dhaawacan yahay, lana daaweynayo.

Dowladda Hindiya weli kama aysan hadlin Diyaaradaha laga soo riday iyo Duulliyayaasha laga qabtay, balse, Saraakiisha Maamulka Hindiya ee maamula qeyb ka mid ah Gobalka lagu murunsan yahay ee Jaamu Kashmiir ayaa sheegay in 2 Duuliye iyo qof rayid ah geeriyoodeen, kadib, markii ay Diyaarad ay leeyihiin Ciiddanka Cirka Hindiya ku burburtay guddaha Kashmiir.

Idaacadda Radio Pakistan waxay beenisay war ay Wakaalladda Wararka Hindiya ee Wakaalladda Wararka Hindiya ee Asian International News Agency ee (ANI)  ku sheegtay in la soo riday Diyaarad Dagaal oo ay Milliteriga Pakistan leyihiin oo nooceedu ahaa F 16.

Wakaalladdu waxay horey u baahisay inay Milliteriga Hindiya toogteen  Diyaarad Dagaal oo ay leeyihiin Ciiddanka Cirka Pakistan, taasi oo ku dhacday Dooxda Laam ee Degmadda NOWSHERA ee gudaha Pakistan.

Dhinaca kale, Ugu yaraan 4 Garoomo Diyaaradeed oo ku yaalla Waqooyiga Hindiya oo uu ku jiro Garoon ku yaalla Kashmiir ayaa la wada xiray, iyadoo ay  Ciiddanka Cirka ee Hindiya si Ku-meel-gaar ah u adeegsan doonaan Garoomadaasi.

Sidoo kale, Dowladda Pakistan waxay hakisay dhamaan Duullimaadyadda Diyaaradaha Rayidka ee isticmaala Garoomadda ku yaalla Waqooyiga dalkaasi, oo ay ku jiraan magaallooyinka Peshwaar.

Milliteriga dalalka Pakistan iyo Hindiya waxaa horey u dhex maray 3 Dagaal tan iyo markii ay madax-bannaanida ka heleen Gumeysigii Ingiriiska sannadkii 1947-kii.

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogdishu 

_____________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment