1752 Views

Al-Shabaab oo ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Daacish.

Al-Shabaab oo ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Daacish.
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | Diseembar 21, 2018 –Al Shabaab ayaa sheegtay inay gacanta ku dhigeen xubno ka tirsan kooxda yar ee Daacishta Somaliya, kuwaasi oo maleegayay inay dilal qorsheysan la beegsadaan saraakiisha Shabaab.

Afhayeen Shabaabka u hadlay oo lagu magacaabo Sheekh Cali Maxamuud Raage ayaa hadalkan sheegay, kadib markii uu iska soo duubay Cod  29 daqiiqo soconayay oo uu kaga hadlay dagaalka ay kula jiraan Daacish.

Cali Dheere ayaa kooxda ku eedeeyay inay baneysteen dhiigga Muslimiinta, inay gaaleysiiyeen Shabaab iyo inay dilal qorsheysan ka dhex fuliyaan Shabaabka dhexdooda.

Wuxuu sheegay in wax badan ay indhaha ka laabteen dhibaatada Daacish, marka laga reebo dhacdooyin yar yar oo ay jawaab ka bixiyeen, balse wuxuu tilmaamay inay madax adeyg ka qaadeen dulqaadkii ay sameeyeen.

“Anagu haddii aan nahay Mujaahidiinta, wax badan ayaan indhaha ka laabanay dhibaatada ay kooxdaasi waday, marka laga reebo dhacdooyin kooban oo aan dulmigooda isaga leexineynay anagoo rajo ka qabnay in ay dib u xisaabtamaan, balse sabarkeena madax adeyg ayay ka sii qaadeen”. ayuu yiri Sheekh Cali Dheere.

Afhayeenka Al Shabaab ayaa ciidamada Shabaab ka tirsan ku amray inay toogasho ku dilaan xubnaha ka tirsan Daacish meesha ay ku arkaan, si looga hortago kala qeybsanaan soo kala dhexgala Ururka.

Geba-gebada bayaankiisa ayuu afhayeenka Al-shabaa Shekh Cali Dheere wuxuu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah kooxda Daacish wuxuuna yiri:

“Hogaanka sare ee Xarakada Al-Shabaab wuxuu ku amrayaa dhammaan ciidamada uruka iyo wilaayaatka Islaamiga inay si adag kaga hortagaan waxa uu ku tilmaamay cudurka dilaaga ah oo uu ula jeedo Daacish.

Cali Dheere waxaa uu sidoo kale ugu baaqay dagaalamayaasha kooxdiisa in ay salka ka jaraan waxa uu ku tilmaamay kansarka la doonayo buu yiri in lagu beero safka Mujaahidiinta.

.Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment