1026 Views

Prof. Xasan Sheekh oo jeex-jeexay warqaddii kasoo baxday Farmaajo, ee uu kaga horyimid shaqo ka-joojinta Fahad

Prof. Xasan Sheekh oo  jeex-jeexay warqaddii kasoo baxday Farmaajo, ee uu kaga horyimid shaqo ka-joojinta Fahad
____________________________________________________________________________



Talaado:September 7, 2021

Prof. Xasan Sheekh Cali Nuur ayaa wareysi uu siiyey taleefishinka Somali Cable, waxa uu ku jeex-jeexay warqaddii kasoo baxday Farmaajo, ee uu kaga horyimid shaqo ka-joojinta agaasimihii hore ee NISA Fahad Yaasiin.

Prof. Xasan ayaa sheegay in Farmaajo uusan haysan wax sharciyad ah, oo uu kaga horyimaado go’aanka Rooble, sababtoo ah buu yiri “ra’iisul wasaaraha wuxuu xilka ka qaadi kara wasiir, ee muxuu yahay agaasime,”

.

“Xitaa haddii uu ahaan lahaa xil taliye, Farmaajo waa madaxweyne hore, wuxuuna muddo xileedkiisa ku ekaa 7-dii Febraayo, sida ku cad dastuurka muddo xileedka madaxweynaha waa afar sano oo ka billaabata maalinta la dhaariyo,” ayuu yiri Porf. Xasan Sheekh Cali.

“Warqaddan uu soo qoray ra’iisul wasaaraha xil-gaarsiinta waa inay shaqeysaa, warqaddan uu soo qoray Maxamed Cabdullahi Farmaajo-na saas waayey, ku rid qashinka,” ayuu yiri Prof. Xasan Sheekh Cali oo kadibna jeex-jeexay warqaddii Farmaajo

Sidoo kale Prof. Xasan ayaa sidoo kale diida doodda Farmaajo ee ah inuu yahay taliyaha guud ee ciidamada qaranka, wuxuuna sheegay in xilka Fahad uusan aheyn taliye, ee uu yahay agaasime, sidaas darteedna aanu madaxweyne shaqo ku laheyn

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post