855 Views

Xubno ka tirsan Xisbiga ugu awooda badan Tunusia oo Is-casilay

Xubno ka tirsan Xisbiga ugu awooda badan Tunusia oo Is-casilay
____________________________________________________________________________

Sabti: September 25, 2021

In ka badan 100 xubnood oo caan ah oo ka tirsan xisbiga Ennahdha ee Tunisia ayaa iscasilay iyaga oo diidan siyaasadda Madaxweyne Kais Saied oo ay ku tilmaameen wado Afgembi.

Bayaan ay soo saareen Sabtida maanta, 113 sarkaal oo sarsare oo ka tirsan xisbiga ugu weyn Tunisia ayaa ku dhawaaqay inay iscasileen ka dib markii ay ku guuldareysteen inay ka hortagaan waxa ay ugu yeereen “qatar xoog leh”.

Xubnahaan iscasilay waxaa ay xisbiga Ennahdha ku eedaysay inay awoodi wayeen inay ka soo hor jeedsadaan awood sheegashada Saied, taas oo ka bilaabatay go’aanka xil ka qaadista xukuumadda iyo joojinta baarlamaanka 25 -kii July.

Wareegto uu soo saaray Madaxweynaha Tunisia ayuu ku kala diray xukumaddii iyo Baarlamaankii dalkaasi, tillaabadaasi oo abuurtay xiisad iyo kacdoon bulsho.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post