711 Views

Afar qof oo uu ku jira muwaadin Turki ah oo ku dhintay qaraxa Muqdisho

Afar qof oo uu ku jira muwaadin Turki  ah oo  ku dhintay qaraxa Muqdisho
____________________________________________________________________________

Sabti  January 2, 2021

Faahfaahin dheeraad ayaaa ka soo baxaysa qarax mar sii horreysay ka dhacay magaalada Muqdisho.

Ugu yaraan afar qof oo uu ku jira muwaadin u dhashay Turkiga oo ka shaqeynayay wadada isku xirta magaalada Muqdisho iyo degmada Afgooye ayaa ku dhintay qaraxa.

Wasaaradda arrimaha dibadda Turkiga ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ku sheegtay in ugu yaraan afar kale oo u dhashay dalka Turkiga ay ku dhaawacmeen weerarkan oo ahaa ismiidaamin.

“Waxaan si xoogan u cambaareyneynaa weerarkan foosha xun,” ayaa lagu yiri qoraalka. Xukuumada Ankara ayaa sheegtay in ay garab istaagi doonto dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka.

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post