627 Views

Guddiga Doorashooyinka Galmudug ayaa maanta shaaciyey 5-ta kursi ee ugu horreysa oo ay qabanayaan maalmaha soo socda

Guddiga Doorashooyinka Galmudug ayaa maanta shaaciyey 5-ta kursi ee ugu horreysa oo ay qabanayaan maalmaha soo socda
____________________________________________________________________________


khamiis: November 18, 2021

 Guddiga hirgelinta doorashada Maamulka Galmudug ayaa Maanta oo Khamiis ah shaaciyay shanta kursi ee ugu horreeysa ee doorashada Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka ee dowlad Goboleedka Galmudug.

Guddiga oo Qoraal soo saaray ayaa waxaa ay ku sheegeen in Guddiga doorashada uu guda galayo diiwaan-gelinta Odayaasha dhaqanka, Bulshada Rayidka iyo Ergada dooraneysa shanta kursi ee ugu horreeysa ee Golaha Shacabka Baarlamaanka 11-aad.

Sidoo kale Guddiga hirgelinta doorashada Galmudug ayaa xusay in maalmaha soo socda ay qaban doonaan doorashada kuraasta tirsigoodu kala yihiin HOP043 oo ku fadhiyay Xildhibaan Xuseen Qaasim Yuusuf, HOP054 oo ku fadhiyay Xildhibaan Cabdishakuur Cali Mire,  HOP104 oo ku fadhiyey Mahad Cabdalla Cawad, HOP067 oo ku fadhiyey Cabdisaabir Shuuriye iyo HOP026 oo ku fadhisay Ikraan Aadan Absuge..

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa xalay sheegay in doorashada shanta kursi ee ugu horreeysa ee Golaha Shacabka ay ku qaban doonaan saddex maalmood guhadood, iyadoona lasoo saaray kuraasta.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda xilgaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa soo dhoweeyay doorashada kuraastii u horreysa Golaha Shacabka ee uu ku dhawaaqay Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor in saddex maalmood gudahood lagu qabanayo.

Guddiga Doorashooyinka Galmudug ayaa maanta shaaciyey 5-ta kursi ee ugu horreysa oo ay qabanayaan maalmaha soo socda.

Hop#43 Xildhibaan Hussein Qaasim (IIDOW)=Murusade

Hop#54 Xildhibaan Abdishakur Ali Mire=Marreexaan

Hop#104 Xildhibaan Mahad
Abdalla Awad=Dir Surre

Hop#67 Xildhibaan Abdullahi Ali Ahmed (Adow Ali Gees)=Abgaal Wacaysle

Hop#26Xildhibaan Ikran Aden Absuge=Duduble

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post