516 Views

Daacish oo sheegtay in ay dishay Saraakiil ka tirsan Booliiska Israel

Daacish oo sheegtay in ay dishay Saraakiil ka tirsan Booliiska Israel
____________________________________________________________________________


Talaado: March 29, 2022

Ururka Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyadda toogasho ka dhacday dhulka Falastiin ee ay Yahuuda haysato, taasi oo lagu dilay laba sarkaal oo boolis ah Israel.

“Laba xubnood oo ka tirsan booliska Yahuudda ayaa lagu dilay kuwa kalena waa lagu dhaawacay weerar toogasho ah,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay Daacish oo aan inta badan sheegan weeraro ka dhaca gudaha Israel.

Kooxda ayaa sheegtay in laba ka mid ah dagaal-yahanadeeda ay fuliyeen toogashada oo Axaddii ka dhacday waddada Herbert Samuel ee magaalada Hadera ee waqooyiga Israel.

Waxay sheegatay in 10 kale lagu dhaawacay iskudhac xigay toogashada.

Sida ay ku warrantay kooxda sirdoonka ee SITE, waa markii ugu horreysay tan iyo 2017 oo Daacish ay si rasmi ah u sheegato weerar ka dhacay gudaha Israel.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post