1161 Views

Haweeney Ka Mid Ahayd Shaqaalaha Tallaalka Oo Lagu Dilay Dalka Pakistan

Haweeney Ka Mid Ahayd Shaqaalaha Tallaalka Oo Lagu Dilay Dalka Pakistan
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL |  Abriil 26, 2019 —Dabley aan la aqoonin ayaa la sheegay in ay dileen haweeney ka mid ahaa shaqaale ku hawlanaa Tallaalka Dabaysha ama Bolyadda ku dileen Degaanka Jarman ee Gobalka Balusitaan ee K/Galbeed ee dalkaasi.

 

Ciiddanka Ammaanka ayaa sheegay inay dableyda rasaas ku fureen kooxda shaqaalaha tallaalka oo ku sugnaa Tuulladda Suldaan Zaay oo  100 KM dhanka W/galbeed kaga caasimadda Gobalka Kuweeta, iyadoo mid ka mid ahay shaqaalaha lagu dilay, halka mid kalena lagu dhawaacay.

 

Dhinaca kale, Ciiddanka Ammaanka ayaa la sheegay inay bilaabeen baaritaanka kooxihii weerarka geystay, waxaana si ku-meel-gaar ah loo hakiyey Talaalka cuddurka dabaysha ee Tuulladda uu weerarku ka dhacay.

 

Tirada guud ee shaqaalaha  Tallaalka ee isbuucan lagu dilay dalka Pakistan waxay gaarayaan ugu yaraan 3

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

______________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment