387 Views

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo baaq ka soo saartay dagaal beeleed ka dhacay gobolka Shabeellada Dhexe

Dowladda Federaalka Soomaaliya oo baaq ka soo saartay dagaal beeleed ka dhacay gobolka Shabeellada Dhexe
____________________________________________________________________________

Isniin: SEPTEMBER 12, 2022

Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo dib u heshisiinta XFS ayaa Baaq Nabadeed u dirtay dad walaalo ah oo ku dagaalamay qaybo kamid ah deegaannada hoos yimaada Raaga-ceele iyo degmada Cadale ee gobolka Shabeellada dhexe ee Dowlad Goboleedka Hirshabeele.

Wasaaradda ugu baaqday Odayaasha Dhaqanka iyo Waxgaradka deegaanka inay ka shaqeeyaan joojinta colaadda dhax martay dadkaasi isku deegaanka ah.

Sidoo kale Wasaaradda waxay si gaar ah ugu boorisay dadka ay dirirtu dhax martay inay is xakameeyaan.

Ugu dambayn, Wasaaradda Arrimaha Gudaha, federaalka iyo Dib u Heshisiinta XFS waxay ugu baaqday inay ka fogaadaan wax kasta oo kala fogeyn kara walaaltinnimada dhexdooda ah, dagaalkana ay joojiyaan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post