450 Views

Wasiirka Waxbarashada “Waxaa khatar ku jira qabsoomida Imtixaanka Dowladda ee sannadkan

Wasiirka Waxbarashada “Waxaa khatar ku jira qabsoomida Imtixaanka Dowladda ee sannadkan
____________________________________________________________________________

: Isniin: May 9, 2022

Wasiirka Waxbarashada Soomaaliya, Cabdullaahi Abuukar Xaaji (Carab) ayaa sheegay in sannadkaan laga yaabo in aan la qaadin Imtixaanka Dowladda ee Dugsiyada Sare iyo Dhexe oo laga qabto qeybo kamid ah dalka.

Wasiirka oo magaalada Muqdisho kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ilaa hadda aysan wasaaradda Maaliyadda ka helin lacagihii Miisaaniyadda ee lagu bixin lahaa howlaha Imtixaanaadka iyo Mushaaraadka Macalimiinta.

“Wax muhiimad ah dowladda Waxbarashada ma siin, imtixaankii hore lacagtiisa ayaa weli lagu leeyahay, midka haddana waxaa khatar ku jira in uu baaqdo, macalimiinta Mushaarkoodii waa maqan yahay” ayuu yiri Wasiir Cabdullaahi Carab.

Isaga oo sii hadlaya waxaa uu yiri “In aan idaacadaha fadhiisano oo lacag shacabka ka arruurino ayaanu ku dhownahay”.

Sidoo kale, wasiirka ayaa ugu baaqay Wasiirrada Maaliyadda Maamul goboleedyada iyo Xubnaha Beesha Caalamka ugu baaqay in ay bixiyaan qeybta kaga aadan Maaliyadda lagu qabanaayo Imtixaanka.

Wasiir Carab ayaa tilmaamay in dowladda dhexe aysan muhiimad gaar ah siin Waxbarashada, isaga oo hoggaanka soo socda dowladda ugu baaqday in ay xil gaar ah iska saaraan arrimaha Waxbarashada.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post