537 Views

32 qof oo ku dhintay dhilal ka dhacay Dalka Turkiga

32 qof oo ku dhintay dhilal ka dhacay Dalka  Turkiga
____________________________________________________________________________

Axad: AUGUST 21, 2022

Ugu yaraan 32 Qof ayaa ku geeriyooday Koonfur Bari ee dalka Turkiga Sabtidii, kadib markii shil baabuur oo sababay dhimashada shaqaalaha gurmadka oo ka jawaabayey shila kaa ka horreyay, sida ay sheegeen masuuliyiinta dalkaas.

16 qof oo ay ku jiraan shaqaalaha gurmadka degdega ah iyo saxafiyiin ayaa dhintay kadib markii uu bas ku dhacay goob shil hore ka dhacay, sida uu xaqiijiyay, Davut Gul, oo ah guddoomiyaha gobolka Koonfur Bari ee Gaziantep, wuxuu intaas ku daray in 20 qof oo kale ay ku dhaawacmeen, kuwaas oo hadda la daaweynayo.

“Iyadoo ay dab-demiska, kooxaha caafimaadka iyo asxaabta kale ay ka jawaabayeen shilkan, ayaa bas kale shil galay meel 200 mitir u jirtay halkan, baskii labaad ayaa goobtan kusoo dhacay, wuxuuna ku dhuftay shaqaalaha caafimaadka iyo dadkii dhaawaca ahaa,” ayuu yiri Davut Gul.

16 qof oo kale ayaa ku dhintay 29 kalena way ku dhaawacmeen shil kale oo ka dhacay magaalada Mardin, sida uu xaqjjiyay wasiirka caafimaadka Turkiga Fahrettin Koca, isaga oo sheegay in 8 ka mid ah dadka dhaawaca ah ay xaaladoodu liidato.

Reuters.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post