435 Views

Ra’iisul Wasaare Xamza oo amray in si deg deg ah looga jawaabo xaaladda gobolka Bakool oo deegaano ka mid ah ay kooxda Al-Shabaab weerar ku qaadeen

Ra’iisul Wasaare Xamza oo  amray in  si deg deg ah looga jawaabo  xaaladda gobolka Bakool oo deegaano ka mid ah ay kooxda Al-Shabaab weerar ku qaadeen
____________________________________________________________________________


khamiis: July 21, 2022

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa amray hey’adaha kala duwan ee amniga iyo gargaarka inay si deg deg ah uga jawaabaan xaaladda gobolka Bakool oo deegaano ka mid ah ay kooxda Al-Shabaab weerar ku qaadeen shalay.

Dagaal culus ayaa Arbacadii shalay ka dhacay deegaano ku yaalla xuduudda Soomaaliya iyo Itoobiya, kadib markii maleeshiyada Al-Shabaab ay weerar saddex jiho ah ku qaadeen halkaas.

Deegaanada ay Al-Shabaab weerareen ayaa kala ah; Yeed iyo Aato, halkaasi oo ay ku dagaalameen Al-Shabaab iyo ciidamada Liyuu Boolis ee dowlad deegaanka Soomaalida, waxaana dagaalka uu socday ku dhowaad shan saac.

Sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska ra’iisul wasaaraha,
Amarka Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxa uu ka dambeeyay kadib markii uu khadka telefoonka kula hadlay Madaxweynaha dowlad gobolleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-Gareen oo warbixin ka siiyay deegaannada la weeraray.

“Ra’iisul Wasaare Xamse waxa uu ballanqaaday in dowladdu ay jawaab deg deg ah la bixin doonto dhibaatada ay geysteen kooxaha nabad-diidka ah, isla markaana gargaar loo gaarsiin lahaa shacabka deegaannada Yeed, Washaaqo iyo Aato ee ay dhibaatadu soo gaartay,” ayaa lagu yiri qoraalka xafiiska ra’iisul wasaaraha.

Afhayeenka ciidamada Al-Shabaab Cabdicasiis Abuu Muscab ayaa sheegtay inay qabsadeen Yeed iyo Aato, balse sheegashadiisa lama xaqiijin karo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post