408 Views

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo xaqiijisay in 21 qof ay ku dhinteen weerarkii hotel Xayaat

Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya oo xaqiijisay in 21 qof ay ku dhinteen weerarkii hotel Xayaat
____________________________________________________________________________

Axad: AUGUST 21, 2022

Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegtay in ugu yaraan 21 qof ku dhinteen weerarkii Al-Shabaab ay ku qaadeen hoteelka Xayaat, waxayna intaas ku dartay in weerarkan ay ku dhaawacmeen 117 qof oo 15 ka mid ah dhaawacoodu culus yahay.

Wasaaradda caafimaadka ayaa sheegtay inay suuragal tahay inay dhimashadu intaas ka badan tahay lagana yaabo in dadka qaar ay maydka ehelkooda aasteen ka hor inta aysan gaynin cisbitaallada.

Sidoo kale Goor hore oo maanta ah ayaa ciidamada booliisku sheegeen in lasoo af-jaray hawlgalkii, iyadoo lasoo badbaadiyey 106 qof.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post