987 Views

Dr. Fuje”’ha noqon dilaaga dahsoon”

Dr. Fuje”’ha noqon dilaaga dahsoon”
____________________________________________________________________________

Mogadisho | QOL | May 06 2020–Dr. Maxamed Maxamud Cali (Fuje) oo ah Lataliye Sare ee Wasaaradda Caafimaadka ayaa bulshada u diray fariin wacyigelineed, si gaar ah dhalinyarada Soomaaliyeed maadama ay yihiin da’da uu aad u saameeyay caabuqa COVID-19 asagoo ugu baaqay in ay ku dadaalaan dhamaan siyaabaha looga hortago caabuqa, ayna ku nagaadaan guryahooda.

Dr. Fuje ayaa halku dhig uga dhigay fariintiisa ‘’ha noqon dilaaga dahsoon/qarsoon’’, wuxuuna baaq dheer u diray bahda caafimaadka guud ahaan, gaar ahaan dhaqaatiirta Soomaaliyeed in ay ka qeyb qaataan wacyigelinta caabuqa maadaama uu ku faafay dhamaan gobollada dalka si loo xakameeyo baahiddiisa.
Waxaa uu sheegay in Cudurka Corona Virus uu Soomaaliya si weyn ugu baahaayo , islamarkaana maalinba maalinta ka dambeysa uu soo ridaayo dad cusub.

Waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in si deg deg ah loo joojiyo in dadka ay isugu yimaadaan goobo ay ka mid yihiin Masaajidda si loo badbaadiyo Shacabka Soomaaliyeed.

Waxaa uu xusay in baahi weyn loo qabo sidii wax looga bedeli lahaa dhaqanka dadka oo ku saabsan cudurka Covid-19 si looga hortago cudurka oo kusii faafaya dadka.

Waxaa uu sheegay in dadka ugu badan ee Cudurka Covid 19 hadda ugu dhintay Soomaaliya ay yihiin kuwa da’dooda ay ka weyn tahay 50-ka sano.

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho
_________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment