2331 Views

Hadal heynta Cali Maxamed Geedi iyo Siyaasadiisa Guracan!

Hadal heynta Cali Maxamed Geedi iyo Siyaasadiisa Guracan!
____________________________________________________________________________

Muqdisho | August 25, 2020 – Warar Xaqiiqo ah ee aanu ka heleyno ilo kudhow dadka ololaha ugu jiro ayaa inoo xaqiijiyay in Ra’isul Waraarihii Hore ee Dowladii Ku Meel Gaarka aheyn ee uu madaweynaha ka ahaa ALLAH u naxariistee Madaxweyne Cabdulaahi Yuusuf Axmed Cali Maxamed Geedi ayaa maalmahan warbaahinta maxaliga ah iyo baraha Bulshada qabsaday.

Geedi oo waayadan danbe ku mashquulsanaa sidii uu mar ugu soo laaban lahaa masraxa siyaasada ayaa waxaad moodaa inuu u fikiray inuu adeegsado hab ka mid ah hababka ay adeegsadaan qalin shubatada aalaba dhacda shacabka iyo siyaasiyiinta hungoobay.

Shirkii taariikhiga ahaa ee Mudulood ee ka dhacay magaalada Muqdisho ayuu Geedi ka noqday xubin furfircoon si uu sumcadiisii luntay wax uun uga badbaadsho kuna soo noqdo saaxada Siyaasadeed ee dalka, isagoo ka dhigtay shirkaas gabbaad u sahli kara fulinta xeeladihiisa guracan ee dhaqaale aruursiga, Geedi wuxuu tartan u galay xilka Ra’isul Waraaha Dalka ee uu baneeyay RW Xasan Cali Kheyre , kadib markii afcad loogu sheegay in uusan xiliga adag aheyn qofka ku habooneyn qabashada xilkan.

Geedi wuxuu bilaabay in uu kabaha la dul maro musharixiintii kale ee beel weynta Hawiye ee rajada fiican lahaa, isagoo dacaayad ka faafiyay haldooradii Hawiye ee ugu cadcadaa hanashada xilka Ra’isul wasaare ee uu damacsanaa Madaxweyne Farmaajo inuu soo xusho.

Quus kabid, Geedi wuxuu dejiyay qorshe deg deg ah uu ku abuuri karo dhaqaale kaasoo la mid ah kii ay isticmaaleen ragii abuurtay shirkadihii lagu dhaqaala beelay ee FOREX.

Geedi wuxuu ka dhaadhacsiiyay siyaasiyinta iyo maalqabeenada beeshiisa inuu isagu yahay shaqsiga uu Madaxweyne Farmaajo doonayo inuu ka dhigo Ra’isul Wasaare, Geedi wuxuu faafiyay inuu isagu yahay Ra’isul Wasaaraha Cusub, si loo aamino wuxuu qarash badan ku bixiyay laamaha warbaahinta iyo Baraha Bulshada, wuxuu gurigiisa iyo meelo badan ka dhigay Xalflado lagu taageeraayo xilka cusub ee loo magacaabay.

Intaa kadib, waxaa gurigiisa ka bilaabmay inay kusoo qulqulaan dad xildoon ah oo Geedi ka raadsanaayo Wasiir, Wasiir ku Xigeen iyo Ganacsato rabto inay maalgashadaan si ay hadhow uga faa’iidaan. Geedi lama hubo inta lacag uu ka qabtay dadka xilal doonka ah, isagoo og inuusan aheyn ninka loo doortay xilkan Ra’isul Wasaare nimo, laakiin wuxuu u daaljoogteeyay siduu u dhici lahaa dadkaan xildoonka iyo faa’iido doonka ah.

Sacaddan lajoogo rag ayaa dhacan oo Geedi lacag ka qaatay, laakiin si uu u raad tirto wuxuu dirtay odayaal aan war ka heyn qiyaanada iyo siyaasada guracan ee uu Geedi wado. Oyaashan ayaa difaac iyo weerar ugu tegay u galay sidii ay uga dhaadhacsiin lahaayeen raga lacagaha uu ka dhacay Geedi una sheegaan in saacadihii ugu danbeeyay Madaxweyne Farmaajo uga baxay balantii macaga Geedina laga tirtiray mushariinta.

Taas ayaa ina xusuusineysa heestii uu alifay kuna luuqeeyay Al Fanaan Maki Xaaji Banaadir ee ehyd ‘Bacdaa Dhuuqso, Baacweynta Yaan lagaa Boojeeynin, Bacdaa Dhuuqso‘ Talo adigaa kugu noolshahay intay goori goor tahay lacagihiina soo ceshta ama samir yeesha intiina hungowda.

Wabilaahi Towfiiq.

.

.

.

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_____________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post