1149 Views

Puntland oo ka soo horjeesatay sharciga doorashada ee Golaha Wasiirada ansixiyeen

Puntland oo ka soo horjeesatay sharciga doorashada ee Golaha Wasiirada ansixiyeen
____________________________________________________________________________

Muqdisho | QOL | May 03, 2019 – Maamulka Puntland ayaa ka soo horjeestay sharciga Doorashooyinka iyo kan Axsaabta Siyaasadda ee ay maanta ansixiyeen Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya.

War Saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dimoqraadiyeynta Puntland ayaa lagu sheegay inay ka soo horjeedaan go’aanada aan waafaqsaneyn Dastuurka ee ay Xukuumadda Federaalka ku tallaabsatay.

“Dowladda Puntland waxay ka digeysaa  ficilada Madaxda dowladda Federaalka isku gaar yeeleyso talada iyo go’aanada Masiiriga ah ee dalka, sida geeddi socodka dhameystirka Dastuurka, hannaanka xasilinta iyo Amniga dalka, qeybsiga awoodaha iyo kheyraadka dalka, doorashooyinka iyo dhismaha Cadaaladda”ayaa lagu yiri War saxaafadeedka.

Go’aanka Puntland kaga soo horjeesatay tallaabooyinka dowladda Federaalka qaaday ee la xiriira sharciga doorashooyinka iyo sharciyada kale ee dalka ayaa ku soo beegmaya, iyadoo maalinya Sabtida uu ka furmayo Garowe shir wadatashi ay leeyihiin dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada.

 

 

 

 

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Muqdisho

_______________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post

Post Comment