429 Views

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xamse oo lagu wado in saacadaha soo socda gaaro Magaalada Beledwayne ee Gobolka Hiiraan.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya  Xamse oo lagu wado  in saacadaha soo socda gaaro Magaalada Beledwayne ee Gobolka Hiiraan.
____________________________________________________________________________

Khamiis: 25 Agoosto 2022

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda gaaro Magaalada Beledwayne ee Gobolka Hiiraan.

Ujeedka safarka Ra’iisul wasaaraha ayaa ah sidii ugu kuura geli lahaa Howlgalka ka dhanka ah Al-shabaab ay Ciidanka Xoogga iyo kuwa deegaanka ka wadaan Gobolka Hiiraan.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha ayaa kulamo la qaadan doona Madaxda Hirshabeelle oo ugu horreeyo Madaxweyne Cali Guudlaawe iyo Saraakiisha Ciidanka Xoogga ee Hoggaamineysa Howlgalka ka socda Hiiraan.

Hore waxaa Gobolka ugu sugnaa Wasiirka Gaashaandhiga, Cabduqaadir Maxamed Nuur iyo Talyaha Ciidanka Xoogga, Gen Odowaa Yuusuf Raage iyo Saraakiil sar sare oo ka tirsan Ciidanka Militeriga.

Ciidanka Xoogga ayaa maalmahan howgalka ay ka wadaan Gobolka Hiiraan ay kula wareegeen Deegaanno hor leh oo ay ku sugnaayeen Dagaalameyaasha Al-shabaab.

Office Nairobi kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post