156 Views

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug oo booqasho dhirigalin ah ugu tagay ciidamada Galmudug ee howlgalada ka bilaabaya deegaanadda Galmudug

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug  oo  booqasho dhirigalin ah ugu tagay ciidamada Galmudug ee howlgalada ka bilaabaya deegaanadda Galmudug
____________________________________________________________________________

Talaado: January 3, 2023

Madaxweyne kuxigeenka Galmudug mudane Cali Daahir Ciid ayaa booqasho dhirigalin ah ugu tagay ciidamada xoogga Iyo kuwa Galmudug ee howlgalada ka bilaabaya deegaanadda Galmudug.

Cali Ciid ayaa Ciidamada huwanta ah uga mahadceliyay sida ay har iyo habeen qorax iyo dhaxan ugu tagan yihiin si ay nabad ugu seexdan Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Galmudug kunool.

Madaxweyne kuxigeenka ayaa sido kale ciidamada ku wargaliyay in madaxda Qaranka iyo madaxda Galmudug isla garteen in laga bilaabo bishaan Janaayo howlgalo cusub oo Al Shabaab looga xureenayo deegaanada ay ka joogaan Galmudug.

Waxa uu faray Madaxweynne kuxigeenka Galmudug ciidamada iyo saraakiisha hoggaamisa in ay u diyaar garobaan howlgalo cusub oo ka dhan ah kooxda Al Shabaab ee ku sugan deegaanno badan oo Galmudug katirsan.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post