1053 Views

Dalka Chad Golaha Milateriga oo isku raacay in Maxamed Kaka uu dalka hogaamiyo

Dalka Chad  Golaha Milateriga oo isku raacay in Maxamed Kaka uu dalka hogaamiyo
____________________________________________________________________________

April 20-2021

Janaraal Maxamed Idriss Déby Itno ayaa waxaa loo magacaabay inuu hogaamiyo waddanka Chad, kaddib markii aabihii Idriss Déby la dilay intii uu socday dagaal ay ciidammada dowladda la galeen xoogagga fallaagada.

Maxamed ayaa haatan waxa uu mas’uul u yahay 15 xubnood oo ka tirsan Golaha Milateriga ee ku meelgaarka ah, golahaas oo awoodda hayn doona 18-ka bilood ee soo socda.

Waxaa ninkaas lagu yaqaan deganaan iyo nin aan caannimada raadin, sida walaalihii ay isku aabaha yihiin oo kale. Sikastaba xaalku ha ahaadee, waa askari dagaallada gala sida aabihii oo kale.

Maxamed waa 37 jir, halkaas oo ay ka midaysan yihiin aabihii geeriyooday kaas oo isla da’daas jiray markii uu xilka afgambi milateri kula wareegay sanadkii 1990-kii.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post