702 Views

Taliyaha Ciidanka AMISOM oo ku dhawaaqay kordhinta la dagaalanka Al-Shabaab

Taliyaha Ciidanka AMISOM oo ku dhawaaqay kordhinta la dagaalanka Al-Shabaab
____________________________________________________________________________


Mogadisho | QOL |  September 24 2020
—Taliyaha Ciidamada Howlgalka Midowga Afrika ee (AMISOM) Diomede Ndegeya, ayaa ku ammaanay ciidamada Itoobiya  ee fadhigoodu yahay deegaanada Koonfur-galbeed sugidda amniga iyo kaalintii ay ka geysteen guud ahaan dadaallada loogu jiro xasilinta Soomaaliya.

Taliyaha ayaa booqday ciidamo Itoobiyaan ah oo ku sugan Magaalada Beydhabo,wuxuuna kala hadlay xoojinta wadashaqeynta dhinacyada AMISOM iyo sidii loo dardargali lahaa howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab.

Gobollada Baay, Bakool, iyo Gedo, waxaa ku sugan ciidamo ka socda Difaaca Qaranka Itoobiya oo xaruntoodu tahay Magaalada Baydhabo, ee xarunta Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Gen. Ndegeya, oo dhowaan la wareegay hoggaanka ciidamada nabad ilaalinta, ayaa maanta oo Arbaco ah kula hadlay saraakiisha sare ee Cidamada Itoobiya xarunta dhexe ee magaalada Baydhabo, taasoo qayb ka ah booqashadiisa isbarashada ee lixda waaxood ee ka kooban AMISOM.

“Janaayo 22, 2014, Ciidamada Difaaca  Itoobiya waxay si rasmi ah ugu biireen AMISOM, kadibna waxay la wareegeen waaxda seddexaad oo ay ku sugnaayeen Ciidamo ka kala socda Uganda iyo Burundi,waxaana ay dagaal kula jiraan Al-Shabaab ayuu yiri” Gen. Ndegeya.

Qorshaha Kala-guurka ee Soomaaliya waa hage dhammaystiran oo ay soo diyaariyeen Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo la-hawlgalayaasheeda si loogu wareejiyo mas’uuliyadaha amniga Ciidamada Soomaaliya maadaama  AMISOM la filayo inay dalka ka baxaan.


Xafiiska Wararka Qaranimo Online |  
______________________________________________________________

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post