390 Views

Shacabka Kenya oo loo sheegay inay u doorteen William Ruto inuu noqdo madaxweynaha shanaad ee dalka

Shacabka Kenya oo  loo sheegay inay u doorteen William Ruto inuu noqdo madaxweynaha shanaad ee dalka
____________________________________________________________________________


Isniin: August 15, 2022

Shacabka Kenya ayaa hadda loo sheegay inay u doorteen William Ruto inuu noqdo madaxweynaha shanaad ee dalka.

Balse daqiiqado ka hor intaan lagu dhawaaqin, guddoomiye ku xigeenka guddiga doorashada, Juliana Cherera, ayaa sheegtay in iyada iyo saddex xubnood oo kale oo ka mid ah guddiga doorashada aysan “shaqo ku lahayn” natiijada. Guddiga doorashada Kenya ayaa waxay ka koobnaayeen 7 xubnood.

Kala qeybsanaanta guddiga doorashada ayaa waxay sare u sii qaaday walaacii ay qabeen shacabka Kenyanka.

Sharciga doorashada ayaa xaq u siinaya guddomiyaha guddiga doorashada shaacinta natiijada doorashada madaxwaynanimada.

Wafula Chebukati ayaa doorkiisa qaatay islamarkana Mr Ruto ayaa noqanaya madaxwaynaha xiga marka uu Uhuru xilka ka dego.

Dhanka kooxda Raila Odinga ayaa aadi kara maxkamad ugu sareysa dalka halkaasi oo ay u gudbin karaan kiis ka dhan ah natiijada doorashada.

Odinga ayaa sanaddii 2017 kiis ka dhan ah natiijadii doorashada geeyay maxkamad ka dib-na waxay amartay in doorashada lagu celiyo.

Office Nairobi Kenya

_____________________________________________________________________________________

Xafiiska Wararka Qaranimo Online | Mogadishu, Somalia

_____________________________________________________________________________________

Advertisement

_____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________ _____________________________________________________________________________________

Share This Post